GAAS oo Rooble uga digay ‘arrin uu horey u diiday’ Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu feejignaan dheeri ah ka muujiyo, islamarkaana uu ka digtoonaado tallaabo kasto oo uu ku raacayo Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub usoo jeediyay inuu ka dheeraado inuu u xagliyo Madaxtooyada, isaga oo qeyb ka noqonaya olole uu hore ugu gacan seyray Xasan Cali Kheyre, sida uu hadalka u dhigay.

Gaas oo u waramayey idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa ku cel-celiyey in Rooble looga baahan yahay inuu noqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan ku milmin is-diidooyinka labada dhinac.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan loo baahan yahay in Ra’iisal wasaaraha cusub uu xooga saaro sidii ay u fuli lahaayeen qoddobadii lagu heshiiyey shirkii Muqdisho, kuwaasi oo gogol xaadh u ahaa doorasho xiligeeda ku dhacda.

“Aniga siday ila tahay Rooble waxa laga rabaa inuu madaxweynaha si daacadnimo ah ugala shaqeeyo wixii danta dalka iyo dadka ay ku jirto, isaga oo u eekaan Nin fulinaya howshii uu qaban waayay ama uu diideyba Kheyre” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaasi waa in uusan [Rooble] noqon Nin fulinaya damac qof kale, laakiin uu noqdo nin madaxweynihiisa daacad u ah oo wixii danta dalka ah un kala shaqeynaya, markaasna si madax-banaan u gudanaya waajibaadkiisa iyo shaqada hortaala”.

Gaas ayaa ugu dambeyntiina Ra’iisal wasaaraha cusub kula dar-daarmay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh, oo dalka si nabdoon uga saarta marxalada kala-guurka ah, midaasi oo looga baaqsado muddo kordhin, uu si adag uga digay.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa hore iskugu fahmi waayay arrimaha doorashooyinka, midaasi oo keentay in meesh uu ka baxo ra’iisal wasaarihii hore, kadib kala aragti duwanaantooda, iyada oo uu dhawaan shaaciyey Kheyre inuu tartan ugu jiro xilka u sareeya ee dalka, ee uu xiligan ku fadhiyo Farmaajo.

Wuxuuna hadalka Gaas kusoo aadaya xili uu banaanka usoo baxayo guux aan weyneyn oo ku aadan in Rooble uu qeyb weyn ka qaadan doono ololaha Farmaajo, wallow aysan xiligan si dhab ah u cadeyn.