R/W Rooble oo loo gudbiyey dacwo ka dhan ah wasiirka caafimaadka Fawzia Abiikar

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa durba waxaa gaaraya cabashooyin kala duwan oo loo jeedinaayo wasiiradii xukuumadii hore, kuwaas oo lagu eedeenaayo ku tagrifal awoodeed, musuq maasuq iyo eex ay kula kaceen shaqaalaha Dowladda.

In ka badan 50 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad ay ashatako kaga yihiin wasiiradda caafimaadka Fawzia Abikar Nuur oo ay ku eedeeyeen iney muddo 3 sanno iyo bar ah tacdi iyo dhibaato ku heysay shaqaalaha wasaarada.

Qoraalkan cabashada ah ayaa kusoo aadaya xilli Fowzia Abiikar oo wasaaradeeda uu musuq badan ka dhacay dadna loo xiray ay wali raajicineyso iney kusoo laabato wasaaradda.

Hoos ka aqriso qoraalka cabashada ah.

Taariikh: 23 September 2020

Ku: Raysal Wasaaraha JF Soomaaliya -Muqdisho-

Ujeeddo: Dacwad ka dhan ah sii haya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadk Fawzia Abikar Nur

Mudane Resysal Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, waxaan xaashidaan dacwadda ah usoo gudbinnay kadib markii ay aad noogu adkaatay in aan intaan kabadan kasii aamusnaano dulmiga, shaqa hallaynta iyo dhibaataynta raagtay oo ku socotay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka muddo 3 sano iyo bar ka badan, innaga oo intaas oo dhan rajo ka qabnay inay wax uun is badali doonaan.

Mudane Resysal wasaare, sida aad la socotaanba shaqaalaha wasaaradda caafimaadku waa shaqaale haya adeeg kamid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ay u baahantahay bulshada Soomaaliyeed, waa shaqaale u dhabar adayga una dulqaato dhibaatooyin badan oo uu xanbaarsanyahay xilka saaran ee aadka u culus, hadaba iyada oo ay sidaas jirto ayay shaqaalahu mudo 3 sano iyo barkii la soo dhaafay la kulmayeen dhibaatooyin kale oo kaga imaanayay madaxda loogu dhiibay xilka oo ah wasiirka wasaaradda caafimaadka Fawzia Abikar Nur. Dhibaatooyinka aan ka docwoonaynno waxaa kamid ah kuwaan hoos ku qoran:

• Ku takrifal awoodeed oo xad dhaaf ah oo ay ka marag kici karaan shaqaalaha wasaaradda oo isugu jira gunno ka jarid, email xirid.
• Ku takrifal iyo musuqmaasuq maaliyadeed oo marag ma doonto ah oo ay iska dafirto masuuliyada ay ku leedahay Waziir Fowziya mar walba.
• Beegsi, Dulmin iyo dhibaatayn shaqaale iyadoo si shaqsi ah loo beegsanayo shakhsiyaad wax tar u leh wasaaradda
• Hor istaagid shaqo iyo burburin mashaariic aad wax tar ugu leh wadanka oo ay wasiiraddu u hor istaagaysay sababo la xariiro shaqsi la dirir iyo daneheeda gaarka ah oo aysan ka dhex arkin
• Been abuur iyo Samayn warqado taariikhdooda la hormariyay (Back dated)
• Xil ka qaadisyo iyo xil magacaabidyo baal marsan hab raacyada iyo shuruucda shaqaalaha, taas oo ay ka marag kici karaan Guddiyada anashaxa, goob shaqo iyo Guddiga shaqaalaha rayidka ah
• Shaqaale in la duudsiiyo xuquuqdooda lana siiyo dad kale oo aan mudnayn.

Hadaba, innaga oo kamid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaad oo gaaraya 54 sarkaal, waxaan dacwo ka dhan ah wasiirka wasaaradda caafimaadka u soo gudbinaynnaa Xafiiska Reysal Wasaaraha JFS, waxaana kaa codsanaynaa tallaabo haboon oo sharci ah in aad ka qaado dulmiga joogtada ah ee ku socda wasaaradda caafimaadka iyo shaqaaleheeda, baaritaan dhab ahna lagu sameeyo.

Ugu dambayn waxaan kaa codsanaynaa in si dhab ah wax uga qabato arrinkaan, tix galin gaar ahna siisid sidii shaqaalaha wasaaradda oo dhibanayaal u ah dulmiga Wasiir Fawzia sharcigana loo marsiin lahaa wasiiradda danbiyada ay ka gaysatay wasaaradda iyo ciddi kale ee ku lug lehba.

F.G. Warqaddaan Waxaa si wadajir ah usoo gudbiyay 54 kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada

Lifaaq: Tusaalooyin Shaqoxumo, Fashil iyo Hoggaanxumo ee Wasiirka Caafimaadka

Tusaalooyin Shaqo xumo, Fashil iyo Hoggaan xumo ee Wasiirka Caafimaadka
Wasiiradda Caafimaadku waxa ay ka gaabisay ama si bareer ah iskaga diiday in ay gudato waajibaadkeeda shaqo kuwaas oo lagu badbaadin lahaa ama ay ka dhalankarto badbaadinla’aan naf bini’aadim iyo bedqabka bulshada Soomaaliyeed. Hawlaha ay iska diiday in ay qabato waxaa ka mid ah:

1. Saxiixidda Hindisaha Qorsheynta Siyaadadda Caafimaadka ee Labaad (Health System Strategic Policy-2). Qorshani waa kan haga hannaanka guud ee caafimaadka waxaana la dhameystiray 2016. Ilaa iyo hadda lama saxiixin. Sidaa darted caafimaadka Soomaliya waxa uu shaqeeyaa isaga oo aan lahayn qorshe dhameystiran.

2. Dib u dhiska Bankiga Dhiiga Soomaaliya. Kadib 14 October 2017, waxaa la helay taageero dhameystiran oo dhan siyaasad iyo mid dhaqaale leh looguna talo galay in dib loogu dhiso Bankiga Dhiiga Soomaaliya. Wasiiradda Caafimaadku waxa ay ku fashilantay in hawshan la fuliyo iyada oo loo haysto taageero dhaqaale oo dhameystiran. Kadib markii Wasaaraddu si hufan u gudanweysay waajibkeeda ku aadan arrintaan ayay taageeradii iyo deeqihii si iskood ah isaga baaba’een.

3. Dhameystirka dhisimaha hay’ado caafimaad oo aasaasidooda laga soo shaqeynayay muddo badan. Dhameystika hay’adahaan kaabeyaasha u ah adeega caafimaadka ayaa ku soo beegmay muddo-xileedka wasiiradda. Nasiib darro wasiiraddu wey iska diiday in la unko waliba ayadoo ay u caaboonyihiin shaqaalihii ku hawlanaa loona helikaro baahiyihii ay u baahnaayeen hay’adahaas. Hay’adahaas waxaa ka mid ah:
• Dhameystirka Qaabdhismeedka Wasaaradda Caafimaadka (MOH organogram 2014 ilaa hadda)
• Machadka Caafimaadka Qaranka (2018 ilaa hadda)
• Golaha Xirfadleyaasha Caafimaadka Qaranka (2017 ilaa hadda)
• Hay’adda Daawada Soomaaliyeed (2017 ilaa hadda)
• Bankiga Dhiiga Soomaaliyeed (2017 ilaa hada
• Dhismaha Keydka Daawadda iyo Talaalka (2016 ilaa hadda)
• Dhismaha Sheybaarka baaritaanka faldambiyeedyada (Forensic Lab)

4. Wada Shaqeynxumo iyo abbaarsi hayado dowli ah, hay’ado iyo shirkado gaar loo leeyahay, safaarado iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed oo sumcad ku leh saaxadda caafimaadka Soomaaliya. Wasiiraddu waxa ay ku sifowday qof dagaal iyo fowdo u taagan mar walba iyo goob walba taas oo uusan xamili karin diyaarna u ahayn hanaanka iyo adeega caafimaadka oo u baahan isku wad, is ogol iyo tanaasul.
Hay’adaha ay si bareer ah dagaal iyo fowdo ugu qaadday wasiiraddu waa ay fara badanyihiin lakin waxa aan ku soo gaabineynaa kuwa soo socda:

Maamulka Gobolka Banaadir

Wasiiraddu waxa ay dagaal ku qaaday maamulkii gudoomiye Thabit iyo kii ka dambeeyay ee Eng. Cabdiraxmaan Yarisow (AUN). Waxa ay ka dhaga adeygtay in la heshiisiiyo iyada iyo gudoomiye Yariisow waliba iyada oo uu Raiisal Wasaaraha Soomaaliyeed dhexdhexaadin u sameeyay. Waxa uu geeriyooday AUN iyada oo aan heshis la ahayn. Hadda waxaa dagaal foolxun kala dhexeeyaa Gudoomiye Cumar Filish. Waxa ay mar kale ka dhaga adeygtay in la heshiisiiyo iyada iyo gudoomiye Cumar Filish waliba iyada oo uu Raiisal Wasaaraha Soomaaliyeed dhexdhexaadin u sameeyay.

Arrimahaani waxa ay keenaan jaha wareer soo foodsaara shaqaalaha caafimaadka oo aad ugu dhibtooda fulinta adeega caafimaadka gobolka banaadir. Waxaa ay sidoo kale ku noqdaan caqabad fulinta adeegyada caafimaadka kuwaas oo badbaado u ah naf hooyo iyo dhallaan Soomaaliyeed sida kaambeynada talaalka caruurta Soomaaliyeed.
Isbitaalladda Yardemili iyo Jazeera Specialists Hospital

Wasiiraddu waxa ay dagaal bareer ah ku qaaday isbitaalada kor kuxusan kuwaas oo sifo sharci ah ku aasaasan bixiyana adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo. Dagaalka ka dhanka ah isbitaaladaas oo ay wasiiraddu u isticmaashay astaanta Wasaaradda caafimaadka waxa uu markii dambe kusoo idlaaday in uu ahaay mid shakhsi ah.
Deeqbixiyeyaasha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera caafimaadka.
Wasiiraddu waxa ay handadaad, cagajugleyn iyo hor istaag ku sameysay hay’ado iyo deeqbixiyeyaal farabadan oo dhammaantood sumcad ku leh taageeridda iyo hirgelinta adeega caafimaadka Soomaaliya.

Maamulgoboleedyada iyo Wasaaradaha kale ee quseeya shaqada caafimaadka
Wasiiradda caafimaadku waxa ay iska diiday in ay udub-dhexaad u noqoto fulinta adeega caafimaadka taas beddelkeedana waxa ay dooratay in ay dagaal la gasho maamulka caafimaadka dowlad goboleedyada. Wasiiradda caafimaadku waxa ay iska diiday in ay la shaqeyso wasaaradaha kale ee ay kala dhaxeyso wada shaqeynta kuna hawlan baahinta adeega caafimaadka.