Xog: Muudey oo ka hor-yimid heshiiska doorashada iyo olole ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa kasoo horjeestay heshiiska laga gaaray doorashada ee la filayo in berri la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamanka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Muudeey uu isku dayayo in heshiiska uu ku fashiliyo baarlamanka, wuxuuna ururinayaa xildhibaano uu rabo inaysan codka ansixinta siin heshiiska. Ma cadda tirada xildhibaanada ku ra’yiga ah Muudey, balse waxaa la rumeysan yahay inaysan badneyn.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey waday dadaallo ay ku qancinayaan Muudey inuu taageero heshiiska, kuwaasi oo weli aan lagu guuleysan.

Muudey ayaa la rumeysan yahay in weli uu ku dheggan yahay qorshaha muddo kordhinta, ayada oo sababtuna ay tahay inuu ka cabsi qabo inuu soo laaban waayo, haddii doorasho la galo.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen wuxuu damaanad qaaday kursiga guddoomiye Mursal, balse sidaas uma sameyn Muudey, waana taas waxa ka carreysiiyey Muudey,” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online. Mursal iyo Muudey ayaa labadaba laga soo doortaa Koonfur Galbeed.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu meel-maro, waxaana la rumeysan yahay in Muudey uusan heli karin xildhibaano ku filan oo uu ku mucaarado, sida aan xogta ku helnay.

Waxaa sidoo kale heshiiska lagu ansixinayaa kulan loo dhan yahay oo ay yeelanayaan labada aqal ee baarlamanka, taasi oo sii kordhineysa rajada ah in la meel-mariyo, maadaama xubnaha Aqalka Sare ay badankood taageersan yihiin. Si kastaba, cabsida jirta ayaa ah in kulanka qalalaase uu ka dhaco, oo ay sameeyaan Muudey iyo xubnaha taageersan.