Xog: Filish oo kulan isugu yeerey xildhibaanada iyo wasiirada beesha Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan aan la shaacin iskugu yeeray  Xildhibaano ka tirsan labada gole,  gaar ahaan kuwa Beesha Hawiye, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Filish ayaa caawa kulan casho sharaf ah iskugu yeeray xildhibaanada beesha Hawiye ku metela labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka dhacaya huteel ku yaal magaalada Muqdisho. 

Marti-qaadka guddoomiyaha ee kulankaasi ayaa Xildhibaanada loogu kala direy fariimo loogu wargelinayo, sida ay Caasimada Online u sheegen xildhibaano ka qeyb-galay caawa kulankaasi. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaasi ayaa looga tashan doona 13-ka xubnood ee metelaada gobolka Benaadir, oo hore loogu canaantay inuu Filish kaga hadlin Shirkii Muqdisho ee ka dhacay Villa Somalia. 

Wuxuuna kusoo aadaya kulankan, xili Filish lagu eedeynayo inuu si weyn uga gaabiyay metelaada gobolka, isla markaana uu magac ahaan uga qeyb galay shirarkii Dhuusamareeb-3 iyo midkii Muqdisho ee lagu gaarey heshiisyada Doorashada 2020/2021 oo aan marnaba looga hadlin qoondada gobolka ee uu mas’uulka ka yahay. 

Meel-marinta metelaada gobolka Benaadir ayaa waxa weli ka taagan dood xoogan, iyada oo arrintaasi ay meel adag iska taageen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, oo iyagu qeyb ka ah ololaha lagu rabo 13-Mudane.