Wararkii u dambeeyey ee kulanka labada aqal ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelan doono kulan Wadajir ayaa ka doodaya heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu goor dhow ka furmo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada labada aqal ayaa loo diray farriimo, iyada oo lagu war-geliyey kulanka maanta oo uu Ajendahu yahay ka doodiska sharciga doorashooyinka iyo ansixintiisa.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay meel-mariyaan heshiiskaas oo muhiim u ah doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa horey u sameeyey dadaallo ku aadan ansixinta heshiiskan, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa haatan ku jiray xilli kala guur ah, iyada oo lagu sii dhowaanayo waqtiga loo qorsheeyey inay dhacaan doorashooyinka dalka.