Faallo ku saabsan xeerka uu soo saaray wasiir Beyle ee muranka badan dhaliyey

By Zakariya Ismaaciil Nuur

ARAAR

Waxaan ku lafa-guraynaa maqaalkan kooban aragtida sharci ee ku aadan xeer-nidaamiyaha ujuurada Maxkamadaha ee uu soo saaray sii-haya xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaan sidoo kale ku qaadaa-dhigaynaa raadadka ka dhalanaya xeer-nidaamiyaha ee saamaynaya bulshada, dowalad-nimada, nidaamka caddaaladda iyo garsoorka dalka, waxaan ku soo gunaanadeynaa talooyin aan u gudinayno hay’adaha dowladda ay khuseyso arrintaan.

GOGOL-DHIG

Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo saaray xeer nidaaminaya ujuurada Maxkamadaha oo ku taariikhsan 20-kii Bisha September 2020.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu jaan-goynayaa sicirka iyo khidmadaha gal-dacwadeedyada laga furanayo heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Dalka.

Wuxuu soo rogayaa canshuuro iyo khidmado aanu tilmaamin xeerka ajuurada Maxkamadaha ee dhaqan-galka ah Dalka.

Wuxuu sidoo kale tariifooyin cusub ku soo rogayaa ruqsadaha, wakaaladaha, Xafiisyada iyo Shirkadaha Qareennada.

Xeer-nidaamiyuhu wuxuu ka kooban yahay 6 qodob, waxay guud ahaanqodobadaasi nidaaminayaan sicirka ujuuradaha Maxkamadaha, habka loo uruurinayo iyo cidda uruurinaysa, xog-wadaagga wasaaradda maaliyadda iyo maxkamadaha,iyo ugu dambeyn dhaqan-galka xeer-nidaamiyaha.

Sababaha loo soo- saaray xeer-nidaamiyaha waxaa lagu sheegay in ay tahay dakhli yarida heysata Maxkamadaha darteed iyo sare-u-qaadidda iyo dardar-gelinta ujuurada Maxkamadaha.

SHARCIYYADDA XEER-NIDAAMIYE LAM: 0217092020

Xeer-nidaamiyahani wuxuu tilmaamaya in lagu meel-marinayo ama lagu fulinayo Xeerka Ujuurada Maxkamadaha ee soo baxay 1975-tii, wuxuu sidoo kale soo xiganayaa Qod.6aad ee Xeer L.13 ee 27/10/2019(sharciga maamulka dakhliga).

Waxaa lagu sheegay xeer nidaamiyaha in baahi loo qabo dardar-gelinta dakhliga ujuurooyinka Maxkamadaha iyo dakhli yarida haysata Maxkamadaha daraadood loo soo saaray.

Haddaba waxaan qeybtaan ku faaqidaynaa sharciyadda xeer-nidaamiyaha iyo sida uu u baal-marsan yahay xeerarka jira ee dhaqan-galka ka ah dalka.

  1. Waxaa muuqata in Wasiirku iska soo xigtay xeer uusan hubin ama aanu xaqiijin waqtiga uu soo baxay, waayoo ma jiro xeer ujuuro Maxkamadeed oo soo baxay 1975-tii, waxay tani muujinaysaa in ay jirto aqoon darro xaga shuruucda ah oo wasaaradda haysata ama gef ku saabsan hubin la’aanta go’aamada ama qoraallada uu soo saarayo Wasiirka.
  2. Ujuurada Maxkamaduhu waxay leeyihiin sooyaal sharci oo uu dalku lahaa laga soo bilaabo 1960-kii, waxaana ka mid ah Xeer L.6 ee 07/12/1966-dii(Imposta di bollo). Waxaa lagu beddelay Xeer L.109 ee 14/11/1973-dii oo isagana wax ka beddel lagu sameeyay 1981-dii sida ku cad Sharci L. 37 ee 16/05/ 1981 ee wax ka beddelka ujuuradaha Maxkamadaha Madaniga.
  3. Xeerka dhaqan-galka ah ee lagu nidaamiyo ujuurada Maxkamadaha waa Xeer L.109/73 iyo wax ka beddelka Xeer L.37/81, labadaas xeer ayaa ah kuwa lagu dhaqo ujuuradaha Maxkamadaha Dalka.
  4. Xeer-nidaamiye ma dejiyo arrimaha la xiriira waajibaadka, xuquuqda, ciqaabta iyo ganaaxyada ee wuxuu meel-mariyaa isla-markaana dhaqan-geliyaa xeer jira oo ah xeerka dhigan(substantive law), sidaasi-darteed sharci ma’ahan in xeer-nidaamiye jideeyo ama soo rogo tariifo ama canshuur cusub.
  5. Ma jiro xeer dhigaya in ruqsadaha qareennada la cusboonaysiiyo ama wakaaladahooda qareennimo la canshuuro ama tariifo laga qaado xafiisyada ama shirkadaha qareennada, waxaa intaa dheer in aan xeerka ujuuradaha Maxkamadaha lagu dhaqayn qareennada maadaama xirfadda qareennimadu ay ka madax-bannaan tahay garsoorka iyo Maxkamadaha.
  6. Xeerarka canshuuraha ama tariifooyinka waxaa soo saari kara oo keliya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa intaa dheer in arrimaha la xiriira canshuuraha ay ka mid yihiin kuwa u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed ee lagu nidaaminayo Dib-u-eegidda Dastuurka, maadaama dalku qaatay nidaamka federaalka.
  7. Xeer-Nidaamiyuhu wuxuu khilaafsan yahay isla xeerka ujuurooyinka Maxkkamadaha ee uu cuskaday isla Wasiirka- inkasta uu khalday taariikhda soo baxay xeerkaasi- maadama Qod.4aad ee L.109/73 uu dhigayo in xeer-nidaamiyaha ujuuradaha Maxkamadaha uu soo saari karo oo keliya Madaxweynaha Dalka, marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
  8. 2aad ee Xeer-nidaamiyaha waxaa lagu sheegay in ujuuradda Maxkamadda ay uruurinayaan saraakiisha maaliyadda, halka Qod.2aad ee Xeerka Ujuuradaha Maxkamaduhu dhigayo in ujuuradaha ay uruurinayo kaaliyeyaha Maxkamadda qabanaysa adeegga ama dacwadda laga furayo.
  9. Wasiirka Maaliyaddu waa sii-haye ama xil-gaarsiiye, keliya wuxuu awood u leeyahay socod-siinta howl-maalmeedka Wasaaradda, shaqana kuma lahan-sida aan tilmaanay- soo saarid xeer-nidaamiye.
  10. Wasiirku wuxuu soo xigtay Qod.6aad ee Xeer L.13 ee 27/10/2019(sharciga maamulka dakhliga), hase yeeshee isla qodobkaas ayuu xeer nidaamiyuhu khilaafsan yahay maadaama qodobkaasi tilmaamayo in xeer-nidaamiyeyaashu dhaqan-gelayaan marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda, halka xeer nidaamiyahaani uu dhigayo in uu dhaqan-galayo marka uu saxiixo Wasiirka.
  11. Xeer-nidaamiyahani dhaqan-gal kama noqon karo Dalka oo dhan, maadaama dalku qaatay nidaamka Federaalka, welina aan heshiis siyaasadeed laga gaarin canshuuraha iyo guud ahaan arrimaha la xiriiro maaliyadda.
  12. Xeerka Uruurinka ee soo baxay 1973-dii, ma dhigayo in gal-dacwadeedyada maamulka, shaqaalaha iyo dastuurka laga qaado tariifo ama ajuuro, sidoo kale is-hortaagyada fulinta xukunnada Maxkamadaha, sidaasna wuxuu xeer-nidaamiyuhu ku khilaafayaa isla-xeerka lagu dhaqan-gelinayo.
  13. Xeer Nidaamiyuhu wuxuu wax ka beddel ku samaynayaa isla xeerka ujuuradaha Maxkamadaha ee dhaqan-galka ah, taasoon caqli iyo sharci ahaanba suurtagal u noqon-karin, si cadna uga hor imaanaysa Qod.139 Dastuurka KMG iyo isla xeerka ujuuradaha ee lagu dhaqan-gelinayo Xeer-nidaamiyaha Wasiirku soo saaray.
  14. Sida ku tilmaaman lifaaqa Xeer L.109 ujuuradaha waxaa la bixinayaa hal mar oo keliya, waxayna koobaysaa saddexda darajood ee Maxkmadaha, waxaana laga qaadayaa dacwoodaha, waxaa nasiib darro ah in xeer-nidaamiyuhu jideynayo in darajo kasta la canshuurayo.

RAADADKA IYO SAAMAYNTA XEER-NIDAAMIYAHA

Xeer-nidaamiyaha ujuurada Maxkamadaha ee uu soo saaray sii-hayaha xilka Wasiirka Maaliyadda waxaa ka dhanalaya raadaad iyo saamaynno kala duwan oo sharci,sidoo kale caqabada bulsho, garsoor iyo caddaalad iyo saamayn uu ku yaalanayo nidaamka dowladeed iyo hannaanka xeer-dejinta dalka.

  1. B) Raadadka iyo Saamaynta uu ku yeelanayo Xeer-dejinta Dalka

Sida ku cad Qod.55, 57, 61, 63, 69, 71, 79, 80, 81, 82, 83 Dastuurka KMG, awoodda xeer-dejinta waxaa leh Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sida uu jidaynayo Qod.79 ee Dastuurka KMG habraaca sharci-dejinta ee ku saabsan wax ka beddelka, dib-u-eegidda sharci horey u jiray, qoridda iyo diyaarinta sharci cusub oo aan ka ahayn miisaaniyadda waxaa leh  keliya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida uu jidaynayo Qod.99/c ee Dastuurka KMG, GolahaWasiiradu waxay diyaariyaan hindise-sharciyeedyada waxayna u gudbiyaan Golaha Shacabka BFS oo ansixinaya, ama wax ka beddelaya, ama wax ku daraya kadibna u diraya Golaha Aqalka Sare oo isaguna marsiinaya habraac la mid ah kan hore kadib dib ugu soo celinaya Golaha Shacabka, waxaana loo gudbinayaa Madaxweynaha JFS oo saxiixaya, kadibna waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah.

Xeer-Nidaamiyaha uu soo saaray sii-hayaha xilka Wasiirka Maaliyadda wuxuu jideynayaa tariifo cusub, wuxuu laasiminayaa waajibaad, xuquuq iyo ciqaabaad ka dhalanaya marka loo hogaansami waayo xeerkaas, waxay taasi ka dhigan tahay in aanu ahayn xeer-nidaamiye ee uu yahay xeer waajibinaya canshuuraad, taasina waxay ka baxsan tahay awoodda wasiirka.

Wuxuu Wasiirku la wareegay awooddii xeer-dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kale awooddii Golaha Wasiirada ee diyaarinta hindise-sharciyeedyada iyo u gudbintooda Golaha Shacabka ee Dastuurku tilmaamayay.

Waxay arrintaasi abuuraysaa in Wasiir kastaa iska soo saaro xeer, siduu rabana uu u dhaqan-geliyo, meeshana ay ka baxdo awooddii Baarlamaanka iyo hannaankii xeer-dejinta ee Dastuuriga ahayd.

Haddii Wasiiradu ay si iskood ah xeer iyo xeer-nidamiyeyaal iskaga soo saaraan oo aanay tixgelin habraaca xeer-dejinta -oo markii horeba iska ahaa mashruuc dhaqaale lagu raadiyo oo aan u adeegayn ummadda- waxaa arritaasi abuuraysaa in dano gaar ah iyo kuwo shakhsiyadeed lagu dhiso xeerarkii iyo xeer-nidaamiyeyaashii dalka.

  1. T) Saameynta uu Bulshada ku yeelanayo Xeer-nidaamiyaha Wasiirku soo saaray

Xeer-nidaamiyahani wuxuu sii cuslaynayaa duruufaha dhaqaale iyo kuwa nololeed ee bulshada oo markii horeba aad u hooseeyay, wuxuu sidoo kale caqabad ku noqonayaa helitaankii garsoorka iyo caddaaladda ay ahayd in dowladdu kafaalo qaaddo sida ku cad Qod.34/4aad ee Dastuurka KMG: “Dawladdu waxay u kafaalo-qaadaysaa dadka aan awood dhaqaale lahayn inay difaac lacag la’aan ah helaan”.

Waxay sidoo kale dhiiri-gelinaysaa in garsoorku noqdo meel loogu adeego dadka wax haysta ee tujaarta ah, dadka saboolka ahna aysan ka helin adeeggii garsoor ee ay u baahnaayeen maadaama aysan awoodin in ay iska bixiyaan canshuuraha iyo ajuurooyinka lagu soo rogay.

Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin dad-yowga ugu saboolsan dunida marka la eego dakhliga soo-galo iyo fursadaha shaqo, taasooy u dheer tahay baahida ay u qabaan garsoorka iyo caddaaladda.

  1. T) Saamaynta uu Xeer-Nidaamiyuhu ku yeelanayo Garsoorka iyo Caddaaladda

Garsoorka Dalka waxaa cuuryaamiye hagar-daamooyin ay ku hayeen hay’adaha dowladda ee sharci-dejinta iyo fulinta, waxaa sidoo kale ragaadiyay madax-bannaani la’aan, maadaama aan weli la dhisin Golihii Adeegga Garsoorka ee u taagnaa maamulidda iyo xaqsiinta hay’adda garsoorka iyo kaabeyaasheeda.  Gacan bidixeynta ugu weyn ee garsoorka lagu hayo waxaa ka mid ah in miisaaniyad ku filan aan loo qoondeyn, looguna darin miisaaniyadda guud ee dowladda.

Haddaba xeer-nidaamiyahaan uu soo saaray sii-hayaha Wasaaradda Maaliyadda wuxuu raadad kaiyo saamaynta taban ee soo socda ku yeelanayaa garsoorka dalka:

  1. Waxaa meesha ka baxaya ujeedkii iyo yoolkii garsoorka ee ahaa in dadku ay helaan garsoor lacag la’aan ah ama ay dowladdu u kafaalad qaado dadka aan awoodda dhaqaale lahayn si ay u hleaan difaac lacag la’aan ah.
  2. In Garsoorka iyo Maxkamaduhu noqaan ilo dhaqaale iyo dakhli laga sameeyo ama laga soo saaro, haafkii loo aasaasayna uu meesha ka baxo.
  3. In Bulshadu ay ka hayaamaan Maxkamadaha una caddaalad doontaan goobo kale ama meel kasta oo kale oo ay cadaalad iyo garsoor ka helayaan.
  4. In Garsoorku noqdo meel loogu adeego dabaqadda dhaqaalaha leh, maadaama dabaqaddii saboolka ahayd aysan awoodin bixinta canshuurta lagu soo rogay.
  5. In Qareennadu joojiyaan dacwadihii saboolka ahaa ee ay sida lacag la’aanta ah u geli jireen, maadaama lagu soo rogay qareennada ujuurooyin kala duwan, sidoo kale dowladdu aysan bixinayn kharashaadkii loogu adeegi lahaa dadka saboolka ah, halkii ay kafaala qaadi lahayd kharashaadkaasna ay soo rogtay canshuuro iyo ahuuro xad-dhaaf ah.
  6. In xiitaa haddii ay bulshadu u hogaansanto xeer-nidaamiyahaas aysan helayn dammaanad qaad ah in loo fulinayo xukunnada ka soo baxo Maxkamadaha, waayoo hay’adaha u xilsaaran fulinta iyo meel-marinta sharcigu uma hogaansamaan, mana fuliyaan amarrada, go’aannada iyo xukunnada Maxkamadaha.

Gunaanad iyo Talo soo-jeedin:

  1. In Wasiirku ka noqdo xeer-nidaamiyaha sharci-darrada ah ee uu soo saaray, sidoo kale in la dhimo ujuurooyinkii hore ee lagu furan jiray gal-dacwadeedyada Maxkamadaha iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee bulshada.
  2. Waxaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u soo jeedinayaa in ay u yeeraan Wasiirka Maaliyadda isla-markaana ay weydiiyaan awoodda iyo saldhigga sharci ee uu ku soo saaray xeer jideynaya canshuur ama tariifooyin.
  3. Waxaa ku talinayaa in Baarlamaanka FS soo saaro xeer-nidaamiyaha sharci-dejinta si looga baaqsado caqadaha ka dhasha xeer-dejinta ama xeer curinta Golaha Wasiirada, loona helo xeer-nidaamiye haga mabaadi’da xeer-dejinta dalka.
  4. In Baarlamaanku soo saaro xeer lagu khafiifinayo ama lagu dhimayo ama lagu dhaafayo tariifada iyo ujuurada Maxkamadaha, iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee dadka, loona turayo dadka danyarta ah ee aan awoodin bixinta canshuurahaas.
  5. In la dedejo magacaabidda xubnaha golaha adeegga garsoorka, loona maro habraaca Dastuurka iyo Xeerku ay dhigayaan.
  6. In miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyo hay’adda garsoorka si looga maarmo tariifooyinka iyo canshuuraha lagu soo rogay dadka danyarta ah.

Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur – Waa qareen ka tirsan Ururka Qareennadda Soomaaliyeed isla-markaana ka howl-gala Muqdisho. Waxaad kala xiriiri kartaa Emailkan: Zakariyei@gmail.com.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid