Dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidanka Kenya oo ka dhacay Gedo + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta inta badan degmooyinka gobolkaas ay ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dalka Kenya ee ka howl-gal gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay fagaareyaal kala duwan ayaa ku qeylinayo erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay dgemada Ceelwaaq.

Sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in ciidamada Kenya gabi ahan laga saaro gobolka.

Demooyinka ay dibad-baxyadu ka bilowdeen waxaa ka mid ah, Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gedo.

Shacabka ayaa ka careysan gabood fallo isugu jira dil, dhaawac ciyo afduub ay ciidamada Kenya dad rayid ah ugu geysteen tuulooyin hoostaga Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana arrintan dadka horey uga dhiidhiyey ka mid ah xidhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kenya waxa ay ka mid ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in ciidamada dhibaatada geystay aysan ka mid aheyn kuwa ku jira howl-galka M/Afrika.