Qorshaha xildhibaannada HAWIYE ee maanta kadib kulankii xasaasiga ee xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey  Xildhibaano ka tirsan labada gole, oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa looga hadlay 13-ka xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare, taasi oo hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii laga reebay heshiiskii doorashada ee 17-kii bishan lagu gaaray Villa Somalia.

Kulankii xalay ayaa waxaa ka dhacay dood kulul ayada oo xubnaha ka qeyb-galay ay ka careysnaayeen in 13-ka kursi ee Aqalka Sare laga siiyey gobolka Banaadir laga reebay heshiiska Muqdisho lagu gaaray ee doorashada, oo maanta uu baarlamanka cod u qaado.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta 13 kursi oo aan haba yaraatee heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo heshiiskii Muqdisho aan lagu soo hadal qaadin.

13-ka kursi ayaa waxaa diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, hase yeeshee xubnihii gobolkan u doodi lahaa ayaa noqday kuwa aan lahayn karti ay xuquuqda gobolka usoo dhiciyaan.

Xildhibaannada qaar ayaa xalay illaa saaka wada olole la doonayo in kuraasta 13-ka kursi lagu soo daro kulanka maanta ee baarlamanka si mar kale loo ansixiyo, hase yeeshee ma cadda sida taas u suurta-geli doonto.

Xildhibaano Hawiye ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in arrintan ay maanta kusoo qaadaan kulanka golaha, balse waxay u eg tahay in qorshahooda aanu guuleysan doonin, oo heshiiska doorashada kaliya la ansixin doono.