Dood ka taagan cidda xilka ku wareejineysa Rooble iyo Kheyre oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Axadda ah, sida aan xog ku helnay.

Si kastaba, waxaa su’aal ay ka taagan tahay cidda xilka ku wareejineysa Rooble; Mahdi Guuleed oo ah sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha ama Xasan Cali Kheyre oo ah ra’iisul wasaarihii ka horreeyey ee xilka laga qaaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Mahdi Guuleed uu qorsheynayo inuu isaga xilka ku wareejiyo Rooble, isaga oo horey u magacaabay guddi ka shaqeeya xil wareejinta, hase yeeshee waxaa taas dood ka qaba sharci-yaqaanada iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in Mahdi Guuleed aanu marnaba noqon ra’iisul wasaare, oo uu ahaa kaliya sii-haye xilka ku simayey inta laga helayo ra’iisul wasaare cusub, sidaas darteedna, xilkan ay tahay inay isku wareejiyaan labada ra’iisul wasaare ee isaga dambeeyey.

Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ayaa sida aan ogaanay warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda Sare, taasi oo u uku sheegay inay tahay in isaga uu xilka ku wareejiyo Rooble, taasina ay tahay sifada sharciga ah.

Kheyre ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.

Dastuurka KMG ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaraha marka uu is casilo ama xilka laga qaado inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabo, taasi ay aheyd arrin soo jireen ah tan iyo markii Dastuurkan la ansixiyay 2012, balse waxay u muuqataa in sharcigaas iminka la dhinac mari doono.

Dooddan ayaa waxaa soo afjari kara Rooble, oo dooran kara cidda xilka ku wareejineysa, balse ma cadda haddii uu dalban doono Kheyre, taasi oo macnaheedu yahay inuu ka horyimaado madaxweynaha.