Muxuu yahay heshiiska ay gaareen K/G iyo Puntland?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maalman ku sugnaa Baydhabo ayaa faah faahin ka bixiyey heshiis uu la gaaray dhigiisa K/ Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Deni oo ka hadlayey munaasabad soo dhoweyn oo loogu sameeyey qasriga madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso K/Galbeed.

“Waxaan u baahanahay in nidaamyada sugida amniga, fulinta sharciga, dhisida kaabayaasha dowladda in la iska kaashado, Puntland waxay ku dhaanto Koofur Galbeed inay ku taageerto haddii ay ahaan laheyd shuruuc, tababar, taakuleyn inay gacan ka geysato sidii Koofur Galbeed cagaheeda ugu istaagi laheyd.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo iskaashiga ka dhexeeya labada maamul.

Ugu damgbeyn wuxuu ka mahaceliyey soo dhoweynta ay u sameeyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa wadaaga xiriir ganacsi, iyada dad ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay ganacsiyo ku leeyihiin magaalooyinka Puntland.