CC Shakuur: Farmaajo waxa uu rabaa inuu sameeyo is-qarxis siyaasadeed, inta la jaalka ahna laba far u taago

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka maanta ee golaha shacabka iyo sheekooyinka ku xeeran.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu rabo in xubnaha golaha shacabka ay u sameeyaan muddo kordhin sharci darro ah.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uusan dooneyn marnaba in dalka ay ka dhacdo doorasho guud oo loo wada dhan yahay.

“Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur.

Sidoo kale musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay is qarxin siyaasadeed, balse loo baahan yahay in laga feejignaado.

Halkan hoose ka aqriso:-

Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin.

Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada.

Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan.

Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.