Qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay wadada Beexaani dhanka degmada Shibis, sida ay Caasimada Online xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo geystay khasaare u badan dhaawac lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey illaa saddex askari oo la socotay gaari la qarxiyey oo uu noociisu ahaa baaburka Soomaalida u taqaano Qooqanta ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen.

Muddooyinkii dambe  ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan dari, sida dilal, qaraxyo & dhac habeenkii loo geysto shacabka.