Daawo: Jabriil oo ka digay in BEESHA CAALAMKA ay la wareegi karto doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo badan oo ku gadaaman xaaladda dalka gaar ahaan doorashada.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad aad u adag kadib markii shirar looga hadli arrimaha doorashooyinka ay qabsoomi waayeen, kadib markii dhinacyada is-haya ay isku xireen shuruudo, qaarna ay qaadaan tallaabooyin ay ku carqaladeynayaan.

Jabriil ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu la qaatay beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada yimid magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaqiijiyo hiigsiga dowladnimo.

Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle waxaa uu si dareen leh uga hadlay arrinta walaaca laga qabo ee doorashooyinka, wuxuuna ka digay in halis loogu jaro in talada ay ka baxdo gacan Soomaaliyeed.

“Haddii aan xal la helin, oo aan arrintan xal laga gaarin, arrinta doorashooyinka, waxay keeni doontaa, in awooddii aan heshiis ku gaari laheyn, ama awooddii aan dalkeeni annaga hoggaan ugu noqon laheyn ay cid shisheeye gacanta u gasho,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Waxaa uu ku taliyay in aan lagu kala tagin shirka Muqdisho ka furan ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo habsami u socodkiisa shaki wayn laga muujinayo.

Waxa uu ugu baaqay in madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe inay u tanaasulaan danta guud oo ay qaataan go’aan waddo wanaagsan u xaaraya dalka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in afartii sanaba mar ay muhiim tahay inay dalka ay doorasho ka dhacdo, taasi oo mar walba jiheysa dowladnimada dalka.

Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in hadii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka, taasi oo aheyd xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray 

Hoos ka daawo Jabriil