‘Sababaha dib loogu furayo BF waa muddo kororsi’

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca iyo tuhunka laga muujinayo kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka, kaas oo ajandihiisa lagu sheegay ka doodista Covid-19.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo xileedka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu dhammaaday, isla-markaana uusan sameyn karin muddo kordhin horleh, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa jira dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi, gaar ahana golaha shacabka, Baarlamaanka waqtigiisa waa dhamaaday hadda muddo kordhin kuma sameyn karo muddo xileedkii hore,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in qorshahaani lagu doonayo muddo kordhinta uu gadaal ka riixayo madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana u jeedada maanta dib loogu farayo kulanka baarlamaanka ay tahay sameynta muddo kororsi.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa gadaal ka riixaya, waxaana kala shaqeynaya xubno ka tirsan Guddoonka Golaha Shacabka, sababaha maanta dib loogu furayo Baarlamaanka waa muddo kororsi, ”ayuusii raaciyey Xildhibaan Cabdullaahi.

Si kastaba kulanka golaha shacabka ayaa saacadaha soo aadan furmi doono, waxaana haatan xarunta kusii qul-qulaya xildhibaanada baarlamaanka oo xalay lagu war-geliyey inuu jiro kula-weynahooda oo looga hadlayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.