Shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn ayaa ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay.

Kulanka loogu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda cudurka COVID-19, ayada oo uu shir guddoomin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Xildhibaanada qaar ayaa wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin ayna ka xigaan gacan ka hadal in muddo kordhin sharciga ka baxsan loo sameeyo hay’adaha waqtigoodu dhammaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!”

Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

QM ayaa isla maalinkii xigay ka digtay isku daygan ayada oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in beesha caalamka aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore.” 

Haddii Mursal, oo xulufo la ah Farmaajo, uu ku dhaqaaqo tallaabadan waxay noqon doontaa is-miidaamin siyaasadeed oo qalalaase xooggan gelisa dalka.