Sawirro: Taliyaha booliska oo dalab u gudbiyey UK

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha cusub ee UK, Kate Foster oo dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ka guddoomay waraaqaha danjirinimo.

Kulankaan oo ka qabsoomay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada amni ee dalka iyo dhismaha dowladnimada oo hormuud u yihiin hay’addaha nabad-gelyada.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya, gaar ahaan mida ciidamada oo ay kamid taha dalalka sida weyn u taageera dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.

Labada mas’uul ay intii uu socday kulankaas waxay isku dhaafsadeen hadalo warbixin ah, iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. 

Talie Xijaar ayaa dowladda UK uga mahad-celiyay taageerada ballaadhan ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan garab istaaga joogtada ah ee ciidamada booliiska, isagoona ka dalbaday dar-dar gelinta taageerada ciidamada.

UK ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageero maaliyadeed oo badan ku bixisa dowladda federaalka dib u dhiskeeda, midaasi oo ay muhiimsan tahay Hay’adaha nabad-geliyada oo booliisku ugu horeeyo.