Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka baarlamanka iyo guuxa xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan-weynahooda ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo lagu jiro kala guur.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista saameynta ka dhalatay soo laba kacleynta cudurka Coronavirus, balse warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadayo inuu jiro qorshe muddo kordhin ah oo ay tuhun ka muujiyaan qaar ka mid ah xildhibaanada.

Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray inay jirto muddo kordhin uu baarlamaanka u sameynayo hay’adaha dowladda, balse wuxuu tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa, laakiin hadda ajandaha naloo soo diray ma’aha,” ayuu yiri Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado, marka wax cod kali karo ila ma’aha,”.

Si kastaba kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada muddo xileedkooda uu dhamaaday ayaa ah mid la wada sugayo waxa kasoo baxo, kaas oo lagu wado in saacadaha soo coda uu si toos ah uga billowdo xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.