Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo baajiyey kulan ay caawa kula ballameen Midowga Musharaxiinta + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday shir lagu waday in caawa yeeshaan Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo Midowga Musharaxiinta, kadib faro-gelin ka timid madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirka caawa ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf caawa lagu qabanayo Villa Somalia oo goor dambe oo maanta ah ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ay xulufo dhow yihiin, kadib markii la ogaaday kulanka Midowga Musharaxiinta.

Ma cadda sababta Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen kulan ay imaatinkiisa ballan-qaadeen, hase yeeshee xildhibaano ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan laheyn xorriyad, oo saacad kasta oo looga yeero Villa Somalia ay ku qasban yihiin inay tagaan.

Waa markii labaad ee laba maalmood gudahood ah ay faro-gelin ka timid Farmaajo wax ka beddeshay qorshaha madaxweyne goboleedyada taabacsan, kadib markii sidoo kale uu shalay xilli ay la ballansanaayeen beesha caalamka iyo Axmed Madoobe iyo Deni uga yeeray Afisyoone.

Farmaajo ayaa kadib u sheegay Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay la kulmi karaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, balse aysan beesha caalamka goobjoog ka noqon karin, taasi oo ay aqbaleen lana kulmeen xalay xilli dambe.

Dhanka kale, waxaa caawa la filayaa in uu qabsoomo shir u dhaxeeya Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, kadib cashada Villa Somalia, wuxuuna qeyb ka noqonaya shir docoodyada loogu gogol xaarayo is-faham ay shanta madaxweyne goboleed ka gaaran doorashada.