CC Shakuur: Haddii DF ay doorasho qaban weyso way xirtay albaabka nabadda

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlayey Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Dowladda soo xiri doonto Alabaabka Nabadda haddii aysan qaban Doorasho marka ay dhamaato waqtiga Dowladda.

” Dhibaatada ay Dowladda Soomaaliya ka geysaneyso dalka waxaa kaliya looga aamusan yahay inay dalka ka dhici doonto Doorasho, haddii ay taas Dowladda sameyn weysana iyadaa soo xirtay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka xishoon waayey waxyaabo ay ka xishoon jireen jabhadihii dalka soo maray kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaaad Barre isla markaasna uu xayiraad saaray Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan oo sheegay inuu kaftamayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kasoo xirmatay inuu Ciidamo duulaan ku ah Soomaaliya uu kasoo helo Ra’isulwasaaraha Itoobiya maadama uu sheegay in dhawaan la guddoon siiyey Nobel Peace Prize taasina ay u diideyso inuu ka qeybqaato colaadaha.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dadkii Xafladda kasoo qeybgalay ka codsaday inay ka wada qeyb qaataan sidii Galmudug ay uga dhici laheyd Doorasho xor iyo Xalaal ah oo raali ka yihiin dadka Deegaanka.

Wuxuu sheegay inaysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta aysan xaq u laheyn inay soo magacowdo guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug taasina ay tahay wixii ay ku kala tageen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com