CC Shakuur: London waa meeshii laga riday kaligii taliskii Siyaad Barre

London (Caasimadda Online)- Waxaa xalay xaflad ka dhacday London UK loogu sameeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka xoreeyn doonaan dalka, isagoo intaas ku daray in ay ahayd London meeshii lagaga dhawaaqay xoreyntii Soomaaliya markii Madaxweyne Siyaad Barre ka talinayey.

Hadalkan oo ay la yaabeen siyaasiyiin badan ayaa u muuqda mid caadifad qabiil kujirto, balse aan la joogin oo lasoo dhaafay waqtigii qabyaaladda lagu awr kacsan jiray, hadalkiisuna yahay mid aan waxba laga soo qaadayn.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Kenya ay ka joojisay xaflado uu ku qaban lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur magaalada Nairobi, kadib markii ay u aqoonsatay qaswade iyo nin mucaarad shisheeye ushaqeeye ah.

Sida uu qoray wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya u gudbiyey aragtidiisa ku aaddan dhaqdhaqaaqa iyo faragelinta Imaaraatku ka wadaan Soomaaliya ay khatar iyo xasilooni darro ku abuurayso geeska Afrika.

Waxaa xusid mudan in Imaaraatku ay maalgeliyaan in siyaasiyiin gacan saar la leh iyaga si ay u farageliyaan siyaasadda gudaha dalalkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii xabsiga laga soo daayay ku hadaaqay hadallo qabyaaladeysan oo uu madaxda qaranka ku tilmaamay inay marti ki yihiin magaalada Muqdisho, tanina waxaa loo qaadan karaa inuu doonayo hurin colaad iyo kicinta cuqdad ku saleysan qabyaalad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com