CC Shakuur oo AMISOM la xariiriyey xayiraaddii la saaray madaxweyne Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay is hortaagii lagu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed oo shalay laga celiyey, isagoo ku sii jeeda Kismaayo, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo sida loola dhaqmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in halgankiisa uu ka soo billowday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, islamarkaana ay maanta joogto in isagii xorriyadda socodka laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in wixii dalka ka dhaca ay masuuliyadooda qaadeyso AMISOM, maadaama ay ka aamusan tahay waxa dhacaya, iyadoo la adeegsanayo awoodeeda.

Halkan hoose ka aqriso:

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado.

Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay.

Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran.

Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay l kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com