Dowladda Soomaaliya oo si buuxda u joojisay dhamaan duulimaadyadii KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in muddo saddex maalin ah la joojiyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la hakiyey dhammaan diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi.

Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa waxa ay dowladdu kaga gol leedahay, sidii ay u baajijn laheyd mas’uuliyiinta ka qeyb galaya xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Dowladda dhexe ayaa gabi ahaan ka hortimid doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland, taas oo dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Maalintii shalay ayey aheyd markii dowladda dhexe wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay uu diiday inay uu duulaan dhanka magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa u jeedkiisu wuxuu ahaan inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka ee Madaxwweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com