Video: SHEEKH SHARIIF oo weerar culus ku qaaday FARMAAJO iyo R/W Khayre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay is hortaagii shalay lagu sameeyey, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay baal marayaan shuruucda dalka, halkii laga rabay inay ilaaliyaan dastuurka u yaalla dalka.

“Inta jeer ee madaxda dowladdu garab mareen sharciga u yaal dalka xisaab maleh.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay u siman yihiin sharciga, islamarkaana haddii uu ka duuli karo garoonka uu isna ka dhoofi karo, taasna ay xaq u siineyso muwaadinimadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu intaas ku daray in dowladdii KMG aheyd, islamarkaana uu Madaxweynaha ka ahaa ay dadaal badan ku bixsay Garoonka Aadan Cadde, kuna guuleysatay dhowr sano kadib in ugu yaraan diyaaraduhu ay ka soo dagaan.

“Garoonka ay intaas iga soo gashay, haddii la ii ogolaan waayey, yaa loo ogolaanayaa?.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in hay’adaha dowladda aysan madax banaaneyn, sida Baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan laheyn awoodii looga baahnaa.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay dowladda amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu xusay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka.

Shariif ayaa sidoo kale su’aal galiyey, sida mustaqbalka Farmaajo iyo Khayre loogu aamini karo dalka, gaar ahaan doorashada 2020-ka, maadaama buu yiri ay iyagu hareer marayaan shuruucda dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuusan jirin maamul madax banaan oo xiriir la leh dowladda dhexe.

“Jubbaland isma hayaan, Puntland isma hayaan, Galmudug waxa ka socda waan ognahay, HirShabelle waxa ka socda waan ognahay, Baay iyo Bakool waxa ka dhacay waan ognahay.” ayuu markale yiri, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.

Xiisada dowladda iyo Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay, kadib markii shalay loo diiday inuu u duulo Kismaayo oo uu doonayey in uu kaga qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com