Xisbiga UPD oo DIGNIIN ka soo saaray xayiraaddii uu FARMAAJO saaray SHARIIF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) ayaa war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xayiraadii shalay ay dowladda Farmaajo saartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubalanad.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay xisbiga oo dhameystiran 

Shalay oo taariikhdu ahayd 22ka September 2019 waxa laga baajiyay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismayo ka dib markii amar ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada lagu hakiyay duulimaadkii ay raaci lahaayeen isaga iyo wafdigiisu.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) wuxuu si kulul u cambaareynayaa falkaa foosha xun waxaanu ka digeyaa in hay’adaha qaran ee bixiya adeega guud loo isticmaalo dano gaar ah oo aan  waafaqsanayn dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 33aad oo waajib yeelaya in go’aammada maamul ee dalku ay “ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah”.

Xisbigu wuxuu sidaa si la mid ah u cambaareynayaa guud ahaan ku xad-gudubka sharfta iyo karaamada muwaadin kasta gaar ahaanna dadka tix-gelinta iyo maamuuska qaran ku leh bulshada: xuquuqdaas oo ay ku tunteen kuwii loo igmaday in ay ilaaliyaan oo awooddii dawladnimo ugu takri falay si baal marsan qodobka 12aad farqadiisa 1aad ee dastuurka oo ku waajib yeelaya madaxda hay’adaha qaranka dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Xisbigu wuxuu sidoo kale cambaareynayaa ku xad-gudubka xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadin kasta taas oo ka hor imaneysa qodobka 20aad farqadiisa 1aad oo damaanad qaadeysa xorriyada ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada iyo sidoo kale qodobka 21aad farqadiisa 1aad oo u xaq-siineysa muwaadin  kasta in uu si xor ah “ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo”.

Xisbigu wuxuu hoosta ka xariiqayaaa in dhacdadan shalay ay markhaati cad u tahay sida xukuumaddu  ugu tumanayso xorriyadaha lama taab-taanka ah ee dastuurku damaanad qaadey waxaanu xasuusinayaa madaxda sare ee dalka in aan dib loogu dulqaadan Karin caadeysiga ku xad-gudubka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Xisbigu wuxuu ugu danbeyn ku baaqayaa in saami-leyda siyaasadeed ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah oo looga tashanayo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqaha dastuuriga ah. Sidoo kale xisbigu wuxuu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in ay taageero dhan walba ah la garab-istaagaan dedaalada loo geli doono samato-bixinta dimoqraadiyada curdinka ah ee dalkeena

DHAMMAAD