Yuusuf Garaad: Waxaan u arkaa in hadalka Shariif uu dib u dhac horseedi karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa durbo ka falceliyey shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo si adag uga hadlay is hortaagii shalay loogu geystay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Garaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado.

“Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wxuuu intaas ku daray in aan loo baanheyn in looga sii daro hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” ayuu markale yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhexeeya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, Mudane Yuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

.Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com