Xasan oo cabsi ka qaba in xisbigiisa UPD uu lacag ku bixiyo loolanka Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Galmudug oo diyaar garoobeysa in ay doorato Madaxweynihii labaad ayaa waxaa ka furmay loolan adag oo la aamisan yahay in natiijada kasoo baxda ay go’aamin doonto rajada mucaaradka ee doorashada 2020. Waxaana si rasmi ah u bilowday ololaha doorashada iyada oo musharixiinta ugu cad cad ay ku dhawaaqeen doonistooda.

Mucaaradka dowladda ayaa ku duulaya labada musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Guutaale halka muxaafadkuna ay riixayaan Axmed Qoor Qoor, waxaa intaas dheer musharaxiin  siyaasad qabow oo tartanka qeyb ka ah kuwaas oo aan la saadaalin Karin dhinaca ay u dhammaan doonaan.

Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo Muqdisho kaga dhawaaqay rabitaankiisa ayaa tagay Dhuusamareeb oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay balse isaga iyo saaxiibadiisa siyaasadda oo ay ku abtirsadaan Xisbiga UPD ayaa safar saxaafadda laga qariyay ugu soo laabtay Muqdisho iyada oo qaarkood ay usii gudbeen Turkiga, laakiin Odawaa oo aan wali Warbaahinta kasoo muuqan ayaa la rumeysan yahay in uu Muqdisho joogo wali.

Waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in saaxiibadii ay niyad jabeen kalsoonida ah in ay reer Galmudug ka iibiyaan aragtidooda iyo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbigooda Xasan Sheikh uu si cad u sheegay in doorashada Galmudug uusan wax lacag ku bixin Karin taas oo ay dheer tahay in Xildhibaan Mahad Salaad uu wada hadal la furay Musharax Qoor Qoor isaga oo quud dareynaya in uu ku biiro Ololihiisa.

Haddii sidaan ay wax kusii socdaan waxa ay u muuqataa in Musharax Odawaa uu lumin doono taageerayaashiida oo ay biirin doonaan garabyada kale ee xifaaltanka ku jira.

Kamaal Guutaale oo isna ah Musharax aan la dhayalsan Karin oo mucaarad ah ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa waxa uuna u gudbay Dhuusamareeb, Munaasabaddiisa shaacinta iyo soodhoweynta tagistiisa Dhuusamareeb kuma uusan soo bandhigin garbo culus oo saameyn ku leh siyaasadda maanta laakiin waxa uu ku dhiiran yahay in uu sii wato Ololihiisa.

Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Wadajir Saraakiil ka tirsan ayaa laga soo xigtay in lacag iyo maskaxba ay la garab taagan yihiin Musharaxooda oo aysan wax cabsi ah qabin, laakiin dad badan ayaa u arka in saaxiibadiis ay saameyn badan ku lahayn siyaasadda gaar ahaa dowladdan iyo tii ka horeysaba.

Musharaxa seddaxaad waa kan aad loo hadal hayo oo loo badinayo in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda Galmudug waana Axmed Qoor Qoor oo taageero badan ka heysta Dowladda iyo dad ay siyaasadda saaxiib ku noqdeen.

Qoor Qoor oo Muqdisho iyo Dhuusamareebba kusoo bandhigay dhoola-tus indhaha soo jiitay sidoo kale noqday Musharaxa Ololaha xooggan tan iyo markii uu ku dhawaaqay hankiisa. Siyaasiin saameyn xoogan leh, ganacsato ay soo wada shaqeeyeen, odayaal dhaqan iyo qeybo kale oo bulshada Galmudug ka tirsan ayaa si mid ah u riixaya qorshaha uu ku maamuli lahaa Galmudug afarta sano ee soo aaddan.

Haddii dhinacyada mucaaradka aysan wax ka badalin siyaasadda ay ku wajahayaan Ololaha doorashada oo aysan la imaan hab u sahli kara in ay tartan adag gali karaan waxa ay u muuqataa ciyaar natiijadeeda la ogyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com