Shariif wuxuu Imaamka iyo Ugaaska Mudulood ka mudan yahay booqasho ka badan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha iyo duubabka Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku booqday gurigiisa kadib dhacdadii lagu xayiray.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali  Imaam oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u muujiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed sida ay uga xun yihiin tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si uu uga qeybgalo Caleemka saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe.

Odayaashaan oo xal ahaan ugu tagay Shiikh Shariif ayaa ka codsaday in Xaaladda la dajiyo isla markaasna ay iyaga Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajoon doonaan dhacdadaan.

Imaamka iyo Ugaaska Maanta u tagay Shiikh Shariif ayaa la rumeysan yahay inay daacad u yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo bil kasta siiso lacago.

Dadka Falanqeeyo siyaaddda ayaa aaminsan inay aheyd in Ugaaska iyo Imaamka ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan dhacdadaan isla markaasna ay farriin u cad u diraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Waxaa laga sugayey inay saxaafadda la hadlaan isla markaasna ay si cad uga hadlaan kiiskaan taagan iyo cidda ka dambeyso iyo sida laga yeelayo arrimaha noocaan oo kale ah oo ay dhawr jeer ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka.

Shalay ayey aheyd markii xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ay Shiikh Shariif ugu tageen gurigiisa iyadoo wado raali gelin, balse Shiikh Shariif ayaa si cad ugu sheegay inuusan intaan ku qanci karin balse loo baahan yahay inay Dowladda raali gelin rasmi ah ka bixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaadeyso tallaabooyin ka baxsan Sharciga oo ka dhan ah Maamul Goboleedyada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado.

“Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com