Xasan Sheekh: Farmaajo waxa uu hayaa waddadii lagu hungoobay ee lagu dumay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro.

Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inay  baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka.

“Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh Maxamuud.


Xigasho: Jowhar.com