CC Shakuur oo dalab culus u gudbiyey DF Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay dalka ku maamusho ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Cabdiraxmaan oo Bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay inuu Muuse Biixi walaac ka muujiyey inaysan dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u aheyn inay soo fadhiisato miiska wadahadalka.

Wuxuu sheegay inay Somaliland wado dadaal ay ku dooneyso inay wadahadal kula yeelato dowladda Federaalka Soomaaliya si looga heshiiyo Khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey Maamulka Somaliland ee doonayo inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday inay shacabka Soomaaliya u sheegto xaqiiqda wadahadalka Soomaaliya iyo cidda ay wax ka socon la’yihiin.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in isku day kasta ee wadahadal uu dhinaca dawlada Federaalka ah ka socon waayey, haatana wadanka Ghana kulan loogu balansanyahay 19 ka bishan. Wuxuu shaki ka muujiyey in madaxda dawlada Federaalka ah ay kulankaa aqbali doonaan.

Waxaan ka dalbanaynaa madaxda dawlada Federaalka ah in ay shacabka Soomaaliyeed si daahfurnaan leh ula wadaagaan halka uu marayo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaana ku baaqaynaa in aan wadahadalka mar kale dib loo dhigin oo kulanka Ghana ka dhacaya laga qaybgalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com