Biixi oo xog lala yaabay ka bixiyey wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa isu diyaarinaya in mar kale dib u furmaan wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee hakadka ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday arrintaas,waxaana ay dowladda Turkiga isku dayday in ay marti geliso shirkaas.

Maadxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shirkii Xisbigiisa Kulmiye ee lagu qabtay Boorama ka sheegay in Somaliland aysan oggoleyn Turkiga sidoo kalena muhiim tahay in dalal kale lagu soo daro.

Dowladd Turkiga ayaa dhexdhexaadinta ku soo dartay dalalka Sweden,UK iyo Mareykanka,waxaana la isku afgartay in shirkaasi uu ka dhoco dalka Ghana.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in shirkaasi uu 19ka Bishan ka furmayo Dalka Ghana,waxaase uu rajo xumo ka muujiyay in dowladda Federaalka ah aqbasho iyo in kale.

Muuse ayaa sheegay in dhowr jeer beesha Caalamka dhexdhexaadin isku dayday laakiin dhinaca dowladda Federaalka ah ay ka socon weysay.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu soo jeediyay in wadahadallada ka dhacaan Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Laakiin ay dowladda Soomaaliya diidday, sidoo kalena ceyrisay ergeygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Turkiga, iyadoo Safiirkii hore Olgan Bekir u soo magacawday inuu noqdo Ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com