Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka difaaca S/Land, kuna dhowaaqay dagaal cusub (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku sheegay in isaga oo garab ka helaya maamulka Puntland uu dagaal culus kusoo qaadi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo xukuumada Somaaliland dhawaan geysay ciidamo badan.

Kornayl Caarre ayaa waxa uu hoggaamiya jabhadd la dagaalanta Somaliland oo ku sugan magaalada Qardho.

Korney Caarre ayaa sidoo kale markii ugu horreysay sheegay in uu dhawaan gacanta kusoo dhigay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, hasa ahaate uu kusii daayay ehelnimo.

Caarre ayaa horay uga tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Somaliland, hasa ahaate isaga goostay kuna dhawaaqay jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland.

Dhageyso Codka Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre)

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com