CC Shakuur oo DF ku dhaliilay hanaanka loo dhisay golaha maanta lagu dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka lagu soo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo maanta golaha wasiirrada XFS ay magacaabidooda ansixiyeen.

Golahaas oo ka kooban sagaal xubnood ayuu Cabdiraxmaan sheegay in hanaan saxan aan loo marin soo xulidooda, isagoo xusay in aan laga talo-gelin ururrada saxaafadda, warbaahinta madaxa-banaan, tan dowladda iyo guddiga arrimaha warbaahinta u qaabilsan baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa soo tixay ilaa afar qodob oo waajibaadka guddigaan ka mid ah, wuxuuna sheegay in qodobadaas oo dhan aysan guda karin, saluugna ka muujiyey sida shaqada guddigaan ay noqo doonto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ukuumadda ku eedeeyey kali talisnimo, wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan weli ka bixin nidaamkii kaligii taliska.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Saxaafadu waa tiir ka mid ah tiirarka dawlad wanaaga, waxaase ayaan dari ah in Golaha Warbaahinta Qaranka ee ay xukuumadu maanta ansixisay uu yahay mid baalmarsan sharciga saxaafada iyo qiyamka dimoqoraadiyada. Ujeeddada ugu  weyn ee Gole Warbaahin loo sameeyo waa;

1- In ay ilaaliyaan xuquuqda weriyeyaasha, xurmada xarumaha warbaahinta iyo guud ahaan xaqa bahda warbaahinta.

2- In ay muwaadinka ka ilaaliyaan xadgudubka kaga imaan kara saxaafada, suxufiyiinta iyo warbaahinta.

3- In ay baaraan islamarkaana dabagal ku sameeyaan dacwadaha la xiriira saxaafadda.

4- In ay ilaaliyaan ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafadda, kana shaqeyaan shuruucda la xiriirta saxaafadda ka hor inta aanan la horgeynin Goleyaasha sharci dejinta.

Haddaba si Goluhu u gudan karo waajibkiisa ayaa sharciga saxaafadda dhigayaa in xubnaha Golaha ay ka yimaadaan dhinacyada ay khuseyo, sida urrurada u dooda xuquuqda weriyeyaasha, mulkiileyaasha warbaahinta madaxa-bannaan, Dowladda iyo ururada bulshada rayidka oo matelaya dadweynaha, islamarkaana la marsiiyo hubin iyo turxaan bixin (vetting process), si loo hubiyo in ay ka bixi karaan mas’uuliyadda loo igmanayo iyo in kale.

Soomaaliya si kasta uu Dastuurka dimoqoraadi u yahay, weli dhaxalkii kali talisnimada iyo in dawladdu wax kasta iyada ay magacawdo waa laga bixi la’yahay.

Haddii 9-kii xubnoodba ay Xukuumaddu soo jeedisay, yaa saamilaydii kale ee saxaafadda metelaya? Maxayse tahay sababta dhinacyada ay khuseyso looga tallo-gelin waayay, xubnana ay ugu yeelan waayeen?. Guddiga Baarlamaanka ee saxaafadda waa in uu arrinkan baaritaan ku sameeyo.