XOG: Sababta ay DF sida indho la’aanta ugu ogolaatay heshiiska Imaaraatka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii Febraayo ee sanadkii hore 2023-ka ayaa waxaa laga helaya xogo dheeraad ah.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa illaa hadda uusan meel-marin baarlamaanka, ayada oo uu soo dhaafay Golaha Wasiirrada waxaana soo baxeysa in markii ay Muqdisho qalinka ku duugaysay ay walwal ka qabtay doorashada Turkiga.

Soomaaliya ayaa dhawaan Turkiga la saxiixatay heshiis lamid ah kan Imaaraadka Carabta, ayada oo heshiiska Ankara uu deg deg ku ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay baahisay majaladda Middle East Eye oo soo xiganeysa illo wareedyo ku dhow Villa Somalia, dowladda Xasan Sheekh ayaa markii ay heshiiska la galeysay Abu Dhabi maanka ku haysay doorashada madaxtinimada Turkiga ee May 2023.

Doorashadaasi ayaa ra’yi ururin la sameeyay waxay xilligaasi muujineysay in Recep Tayyip Erdoğan uu ku guul-dareysan karo tartanka, taasi oo Muqdisho ku kaliftay in Imaaraadka la saxiixato si aysan u waayin heshiiska difaac.

“Soomaaliya ayaa xilligaasi isku dhiibtay Imaaraadka si ay u hesho dal buuxiya booska Turkiga haddii Erdogan uu kusoo laaban waayo doorashada,” ayay illo wareedyo kale u sheegeen majaladda Middle East Eye.

Xogta ayaa intaasi kusii dareysa in isbeddelka ku yimid Muqdisho uu soo dedejiyay markii uu xoogeystay xiriirka Ethiopia iyo Somaliland, kaasi oo gaaray heer ay Somaliland ku dhiirato inay dhul badeed ka siiso biyaha Soomaaliya.

Majaladda ayaa sidoo kale waxaa warbixinteeda lagu caddeeyay in xukuumadda Dooxa ay taageersan tahay is-fahamka xukuumadda Ankara iyo Muqdisho, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo kala dhaxeysa Itoobiya.

Si kastaba, heshiiska Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan qodobbo xasaasi ah oo halis ah ayaa weli si rasmi ah dhaqan-gal u noqon, inkasta oo uu gudaha dalka ka bilaabay dhaq-dhaqaaq uu xaq u siinayo heshiiska ay la gashay Muqdisho.