FARMAAJO ‘oo ay godkiisa biyo ugu soo galeen’ kadib tallaabadii uu xalay qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa soo hadal qaaday Chapter 7, kaasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan weli madax-banaanideeda dhameystirneyn.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu weli ku jiro Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay awoodda uu caalamka u leeyahay inuu soo faro-gelin karo xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa dowladda Xasan iyo madaxdii hore ee uu kamid yahay.

“Dalkaan wuxuu ku jira Chapter 7, weli kama uu bixin, haddii aan is qaban weyno waxaa qasab ah in beesha caalamka ay garbo duub noo qabato,” ayuu yiri, isagoo sii raaciyay “Haddii nala sii daayo (caalamka nasoo dhex gali waayo) qof walba tuulladiisa uu ku laabanayaa oo Qarannimadeenna sidaas ayay nooga burbureysa.”

Inkasta oo mararka qaar dhaqamada beesha caalamka ku dareensiinayaan in Soomaaliya aanay si buuxa uga dhamaanin Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, haddana hadalkaan dad badan kama fileyn Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo xileedkiisi muujin jiray wax la yiraahdo “Waddaniyad” iyo in uusan waxba ka goyn karin ajnabiga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ahaa siyaasi marwalba sheega inay Soomaaliya tahay dal madax-banaan, ajnabiga waxba u yeerin karin lana soo fara-gelin karin, halka uu taasi caksigeed uu xalay lasoo fariistay.

Fallan-qeeyayaasha ayaa qaba in dadka doodda ka keenay arrinkaan ay tahay mid la aqbali karo, ayna Farmaajo godkiisa biyo ugu soo galeen.

Madaxweynihii hore ayaa xalay inta uusan qaban shirka jaraa’id waxa uu ka hor tegay xerada Xalane oo xarun u ah wakiiladda beesha caalamka ee Soomaaliya, asaga oo la kulmay masuuliyiinta u sarreysa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay rabto.

Farmaajo ayaa markaas Mareykanka u gudbiyay dacwad la xiriirta sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado wax ka beddelka dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbo masiiri ah oo saameynaya haykalka dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, muuqaalkii uu xalay Farmaajo iska soo duubay oo soconayay in ka badan 10 daqiiqo ayaa wuxuu dowladda Xasan Sheekh uga dalbaday inay ka joogto halka ay u jiheyneyso dalkaan, isagoo uga digay dhibaatooyin ka dhalan kara haddii uu qorshahaani hir-galo.