Xog: QODOBKA halista ah ee ku jira heshiiska Soomaaliya ay la gashay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii Febraayo ee sanadkii hore 2023-ka ayaa waxaa kasoo baxaya xogo xasaasi ah oo la xiriira qodobada heshiiska.

Sida ay baahisay Middle East Eye oo heshay nuqullada heshiiskan, ayaa waxa uu ogolaansho u siinayaan Imaaraadka in uu isticmaalo dekedaha dhulka, badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada “oo uu xaq u leeyahay” inuu ka sameysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato.

Sidoo kale waxaa u dhigayaa heshiiskan aan lala wadaagin Soomaalida, in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Dhamaan dadka ka shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah masuuliyad caalami ah, sharci ama maamul gudaha Soomaaliya,” ayuu si cad u qeexaya heshiiskan.

Tan ayaa ka dhigan in saraakiisha Imaaraadka aan lagu soo oogi karin habraac heer qaran ama caalami ah ama xataa dacwad iyo codsi xukun oo iyaga ka dhan ah.

Qodobkan ayaa ah midka ugu yaabka badan, islamarkaana aysan halistiisa ku baraarugsaneyn sida muuqata dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa xoriyad dhaq-dhaqaaq ku leh gudaha Soomaaliya tan iyo markii la ansixiyay heshiiskan, ayada oo Imaaraadka uu bilaabay in gudaha dalka ay ka dhistaan saldhigyo cusub, taasi oo sare u qaadeysa shakiga iyo halista amni ee laga qabo heshiiskan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa dib usoo celisay dowladda Xasan Sheekh.