Doodda wax ka beddelka dastuurka oo mareysa meel xasaasi ah iyo BF oo maanta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa meel xasaasi ah mareysa, ayada oo maanta labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yeesheen kukankii 25-aad.

Ajendaha kulanka maanta oo ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa waxaa shir-guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad JFS.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad mataladda shacabka iyo labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka ayaa la gudo galay maalintoodii labaad.

Qaar kamid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka, sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay in dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto, maadaama uu aad u ballaaran yahay.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka, ayaa waxaa meel adag iska taagay madaxdii hore ee dalka Shariif iyo Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, islamarkaana ay weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto si uu dhaqan-gal u noqdo.