SSC-Khaatumo oo wadda qorshe ka dhan ah MUUSE BIIXI iyo tallaabo ay qaaday

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa shaacisay in ay dacwad dambiyo dagaal ah ka gudbisay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulkiisa.

Hoggaamiye SSC Mr. Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan in maxkamad lasoo taago madaxweyne Muuse Biixi, wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye, Nuux Taani ah oo ah Taliyaha milateriga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in liiskan ay ku jiraan Taliye Mahad Cambaashe iyo lix sarkaal oo kale oo ka tirsan maamulka Somaliland, oo uu dagaalka qaraar dhexmaray.

“Waxaanu ka hawl-galnay in dadkii danbiyada gaystay ay cadaalada arkaan, kuwii loo gaystayna ay arkaan danbiilayaashii oo cadaalada loo sii kaxaynayo,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdi Firdhiye.

Waxa uu sheegay in arrinkaan fulintiisa ay ka howl-galeen garyaqaano reer SSC ah, islamarkaana ay gacanta ku hayaan cadeymo ku filan si loo maxkamadeeyo Muuse Biixi iyo saraakiisha kale.

“Waxaan ururinay caddeymo muujinayo dambiyo dagaal,” ayuu yiri, isaga oo sheegay in 11 Febraayo uu isagu amray in caddeymahaasi loo gudbiyo maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Dambiyada dagaal ee Firdhiye uu ku eedeeyay shaqsiyaadkan ayey geysteen intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa ciidamada SSC-Khaatumo, sida uu sheegay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay SSC-Khaatumo aqoonsi KMG ah ka heshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayna si madax-banaan u maamulato deegaannada gobolka Sool, oo ay horay uga arrimin jirtay Somaliland.