CC Shakuur oo Farmaajo weydiiyey su’aal ku saabsan safarka A/Madobe ee Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay safarkii ugu horeeyey ee uu Axmed Madoobe uga baxay Kismaayo tan iyo markii dib loogu doortay, kuna aaday Nairobi, ayaa Madaxweyne Farmaajo waydiiyey su’aal ku saabsan safarkaas.

“Haddii uusan Axmad Madoobe ka celin karin in uu si toos ah Nairobi ugu duulo, muxuu madaxweyne Farmaajo u ciqaabayaa shacabka Jubbaland?” ayuu is waydiiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in dadka u safrayo deegaanada Jubbaland ay dhibaato xoog leh ku qabaan soo marista Magaalada Muqdisho isagoo xusay in  waqti iyo qarash badan uu uga baxo.

“Diyaarada dhoobleey tagta ee tikitkeedu $80 ahaa, duulimaadkeeduna 20 daqiiqo, haatan waa $250 iyo 5 saac oo duulimaad ah, sababtuna waa in ay Muqdisho soo marto, su’aalo iyo baaritaan lagu sameeyo” ayuu sii raaciyey.

Cabdiraxmaan ayaa tallaabadaan ku tilmaamay inay tahay dulmi cad loona baahan yahay inay dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan.

“Waa dulmi cad waana in aan ka dhiidhino, dhamaanteen u doodno shacabka Jubbaland”.

Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanayo xilli Diyaarad gaar ah ay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland saaka ka qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo toos uga degaya magaalada Nairobi, taasoo mar kale jebineysa amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa ka baxa ay soo maraan Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Nairobi ayaa la xiriira arrimo siyaasadeed iyo khilaafka ka jira Jubbaland, gaar ahaan arrinta ka taagan Gedo.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Nairobi siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolkaas, sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.