CC Shakuur oo ka digay waxa Ahlu-Sunna uga iman kara dhabar-jebinta XAAF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay qorshaha ay waddo dowladda federaalka ee xilka looga tuurayo madaxweynaha Galmudug, ayada oo la kaashanayo kooxda Ahlu-Sunna.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga digay Ahlu-Sunna inay aaminto Villa Somalia, wuxuuna sheegay in marka Xaaf la tuuro lagu soo jeesan doono. Hoos ka aqri qoraalkiisa.

Heshiiska Jabuuti ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna in la meelmariyo qodobadiisana lagu adkaysto ayaa lagu balamaya. Madaxweyne Xaaf in badan ayey Villa Somalia isku dayday in ay heshiis gooni la gasho wax kastana way u gaareen, laakiin in uu heshiiska iyo wadajirka Galmudug dhowro ayuu wax kasta ka doorbiday.

Villa Somalia waxay isku deyaysaa in ay Ahlu Sunna miiska u saarto wixii uu shalay Xaaf ka diiday, iyadoo ujeedku yahay in labada dhinac la kala dilo, sharciyadii iyo wadajirkii Galmudugna cirka lagu laalo, si in loo taliyo u fududaato.

Haddii madaxda Ahlu Sunna ay balantii kaga baxaan oo ay dhabarka ka wareemaan madaxweyne Xaaf, waxaan shaki ku jirin in ay mar aan dheerayn ka shalaayi doonaan. Waxaa Ahlu Sunna kula talinayaa in inta ay tabarta hayaan aysan taladu seegin, sababtoo ah qolada Nabad iyo Nolol la baxday Galmudug N&N toona ka dooni mayaan, mana yeeli doonaan in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin.

Madaxweyne Xaaf waa nin labadii maamul ee Cadaado iyo Dhuusamareeb kala fadhiyey mideeyey, tanaasul kastana sameeyey, wax kastana u huray, sharaf iyo dadnimana ku difaacay, iskana diiday wax kasta oo heshiiskii Jabuuti iyo midnimada Galmudug wax u dhimaya. Reer Galmudug way tashan doonaan, wadooyin badana way u furan yihiin.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com