Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis (Aqris0)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu xilalka kaga qaadayo Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),
Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,
Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

Magacaabis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan
2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan
3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com