Puntland oo kiiskii Caa’isha Ilyaas go’aan ka gaareyso

Garowe (Caasimada Online) -Maxkamadda racfaanka magaalada Garowe ayaa fadhigii ugu horreeyay maanta ka yeelaneysa Kiiska Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan oo kufsi iyo dil loogu geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa go’aan rasmi ah  ka qaadan doonto kiiskan oo loo heytso illaa saddex nin oo ay horay dil ugu soo u xukuntay maxakamadda darajada koowaad ee magaaladaasi.

Qareenada difaacayay eedeysanayaashan ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukunkaasi.

Saddexda eedeysane ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Maxkamadaynta raggan ayaa marar badan dib u dhacday, taas oo sii dheereysay in la soo afjaro kiiska Caa’isho yar.

Lama oga in maxkamadda racfaanku ay ku raaci doonto xukunkii hore maxkamadda darajada koowaad ama sidoo kale in ay burburin doonto go’aankaasi.

Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa iyada oo Meyd ah bishii Febraayo ee sanadkan la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi.

Dhacadadan ayaa taabatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo si weyn uga carooday falkaasi naxtinta leh.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com