Dal dhawaan laga helay xanuunka Ebola oo ciidamo u soo diraya Soomaaliya

Kampla (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa haatan qorsheyneyso in saraakiil  cusub oo Boolis ah ay u soo dirto Soomaaliya, xilli dalkaas laga helay kiis la xiriira cudurka halista badan ee Ebola.

Saraakiishan oo tiradoodu ay gaareyso 160 ayaa waxa ay Soomaaliya soo gaari doonaan bisha July ee sanadkan 2019-ka

Benjamin Namanya oo ah Taliye ku xigeen qeybta nabadda ee ciidamada Booliska Uganda ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay saraakiil hor leh u soo direyso gudaha Soomaaliya,  si ay qeyb uga noqdaan howgalka Midowga Africa ee AMIOSM.

Tirada saraakiisha ay Uganda soo direyso ayaa haatan taliye ku xigeenku sheegay in tababar uu uga socdo xerada Kabalye oo ku taalla gudaha dalkaasi.

Sababta ka dambeyso in Uganda ay saraakiishan cusub u soo dirto Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe lagu yareynayo milatariga AMISOM ee haatan joogo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jiro qorshe guud oo lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, si ay guud ahaan ciidamada dowladda ula wareegaan amniga dalka.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo askarta ugu badan ee ka tirsan Ciidamada AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u soo dira ciidamo ku socda magaca howgalka AMISOM sanadkii 2017-kii.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Kampla
caasimada@live.com