Taabit Cabdi oo war kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa War kasoo saaray Siyaasada maamulka Galmudug ka dib markii la sheegay in maanta halkaasi ay si xoog ah ku tageen Mas’uuliyiin tirsan dowladda dhexe.

“Galmudug wararka ka imaanaya ma ahan kuwa horuscod xambaarsan, iyadoo inta badan madaxda sare ee Dowladda Federaalku ay Galmudug ka soo jeedaan deegaan ahaan, in xal loo waayo waa baroortu orgiga ka weyn”ayuu yiri Guddoomiye Taabit.

Waxaa uu sheegay in xog ogaal u ahaa xaalada Galmudug, iyo sidii loo xaliyay khilaafkii sanadkii 2017 iyo heshiiskii dhex maray Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna, waxaana uu ku baaqay in xaaladii shalay aan maanta looga darin.

“Waxaan xog-ogaal u ahay sidii far iyo suulinta laheyd ee lagu xaliyay khilaafkii 2017 ee Galmudug & heshiskii dhaxalgalka ahaa ee dhex maray GalMudug iyo Maamulkii Gobollada Dhexe ee Ahlu-Sunnah ee ilaa maanta la harsanayo. Markaan way ka sahlan tahay tii shalay ee yaanan looga darin, Maalintii Kismayo lagu sameeyay Gollaha Iskaashiga Dowlad-Gobolleedyada oo sabab u aheyd aas-aasideeda khilaafkii GalMudug ee markaas, maanta way ka dhaw-dahay waa hadii xallinteeda dariiq xalaal ah loo marayo”ayuu hadalkiisa ku sii daaray.

Ugu dambeyn Guddoomiye Taabit ayaa talo u soo jeediyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo yiri “Hogaanka maanta heer Federal iyo Heer Dowlad-Gobolleed iyo kuwii horeba, waxaan kula talineynaa idinka ha isu muuqaninee ee adeegga umadda ha idiin muuqdo. Umad amni iyo adeeg u baahan yaanan dhaanto siyaasadeed lagu dul cayaarin”

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com