Dhacdo murugo leh oo ka dhacday duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Dhacadadan ayaa Talaaladadii la soo dhaafay ka dhacday deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii nin ku hubeysnaa Mindi uu dilay Xaas ay horay u kala tageen.

Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Deeqo Cabdulllaahi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo degaanka ah oo qariyay magacooda, sababo la xariira dhanka ammaanka.

Sidoo kale ninka dilka geystay oo magaciisa lagu soo koobay Aw Dhicisow ayaa la sheegay inuu dhaawac daran u geystay Axada Yuusuf oo ah Marxuumada Hooyadeed.

Allaha u naxariistee Deeqo ayaa Wiil iyo Gabar u dhashay ninkaasi, balse waxaa  haatan qabay nin kale oo ay Uur u laheyd, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegay in ninka falkan dilka ah geystay iyo haweeneydaasi ay ahaayeen Qaraabo dhow, gaar ahaan Ilmo Adeer.

Sidoo kale wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in arrintan ay sababtay muran ka dhashay Dhul ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Gubadley ayaa la sheegay in markii dambe ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkaasi, una taxaabeen xabsi ku yaalla gudaha deegaankaasi.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay dhacdadan oo murugo badan ku reebtay dadka deegaanka.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Caasimada ka dhacayay falal argagax leh, oo intooda ka badan salka ku haya arrimo Qoyseed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com