CC Shakuur oo ka hadlay kiiska Ikraan, shaaciyeyna xubno kale ‘oo la beegsaday’

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ku eedeeyey inay handadaad u heyso guddiyada doorashada ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar la la’yahay 17 maalmood oo hooyadeed ay sheegtay inay ku tuhmeyso NISA.

“NISA waxaa horay ugu luglahayd dhalinyaradii Eritrea loo qaaday, kiiskan iyo kuwo kale oo la mid ahna waa lagu haystaa. Waxay hanjabaad joogta ah ku hayaan xubnaha guddiyada doorashada,” ayuu xusay.

Hoggaamiyaha Wadajir ayaa ku baaqay in si deg deg ah xilka looga qaado hoggaanka Hey’adda NISA si xal loogu helo dhibaatooyinka ay hey’adaan ku heyso dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Sida keli ah ee NISA lagu xakamayn karo waa in hoggaankeeda la bedelaa, loona dhiibaa shakhsi shaqada hay’ada ku ekaada. Waa tijaabo hortaala madaxbanaanida Rooble,” ayuu yiri.

Sido kale Hoggaamiye Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu xil iska saaro sidii loo meel loo saari lahaa cabashada ka timid waalidiinta Ikraan.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa Hooyo Qaali Guhaad. Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble in uu xil iska saaro cabashada waalidka ay gabadhu ka maqan tahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa Ra’isulwasaare Rooble ka codsaday inuu kiiskaan u saaro guddi madax banaan si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska Ikraan oo muddo ugu dambeysay qoyskeeda taasoo markii ugu dambeysay gurigeeda looga qaaday gaari loo maleenayo in laga leeyahay Hey’adda NISA taariikhda markay aheyd 26 June.

“Baaritaanka kiiskan waa in guddi madaxbanaan loo saaro. Sida ay waalidiinta sheegeen iyo xog aan ilo kale ka helayno, Ikraan waxaa ugu war danbaysay gacanta Hay’adda Nabad-Sugida,” ayuu sii raciyey.

Ikraan oo 24 jir aheyd oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.