CC Shakuur oo madaxda DF u gudbiyey codsi ka dhan ah kooxdii FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qormo ka soo saaray askartii laga dilay markii ay gurigiisa ku weerartay dowladdii Farmaajo, 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur madaxda dowladda federaalka ka socday in baaritaan lagu sameeyo oo isla xisaabtan uu ka dhasho weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo dembiyo kale oo awooda dowladnimada lagu geystay intii uu xafiiska joogay Farmaajo iyo xubnihii kale ee la shaqeynaayey.

Hadii dadkii geystay lagula xisaabtamo wixii dhacay ayuu Cabdiraxmaan sheegay in taasi ay ilaali doonto xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisa, isla markaana ay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran:

17 ka December waxay ku beegan tahay, maalinkii ay ciidan Dawladda ah soo weerareen xarunta Xisbiga Wadajir, kuna dileen 5 ka mid ah ilaaladii xarunta, aniga iyo asxaab kalana ay ku dhaawaceen hantina ku burburiyeen, qaarkeedna qaateen. Waxaa kaloo jira gaboodfalo kale oo shantii sano ee ina dhaaftay awoodda Dawladda lagula kacay sida; dilkii Ikraan Tahliil, weerarkii Hoteel Maa’ida, dibad baxii 19 Febraayo iyo isku daygii la doonayey in lagu rido diyaaradii ay Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin kale saarnaayeen.

Waxaan Dawladda Federaalka iyo hoggaankeeda ka dalbanaynaa in baaritaan lagu sameeyo fal danbiyeedyadaas, si ay shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan xaqiiqada iyo dhabta gaboodfalladaas, ciddii ku lug lahaydna sharciga iyo cadaaladda la marsiiyo.

In la iskala xisaabtamo gaboodfalka iyo tacaddiyada awoodda Dawladda lagu gaysto, waxay ilaalinaysaa xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisii, waxay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa, waxay xoojinaysaa saraynta sharciga, waxay dhisaysaa kalsoonida lagu qabo Dawladnimada.

Maanta xukun ma hayaan kuwii gaboodfalka gaystay, awooddii ay shalay lahaayeenna maanta ma laha. Haddaba cadaaladdu waa waddada keli ah ee ay ku qanci karaan intii dhibbanaha u ahayd gabood-falkooda, waana sida keli ah ee looga baaqsan karo in sharciga gacanta lagu qaato.

Allaha u maxariisto shuhadadii 17 Dec iyo intii kale ee lagu dilay gabood-falyada aan soo sheegay, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo. Aamiin