CC Shakuur oo shaaca ka qaaday “qorshe uu Fahad Yaasiin ka wado Itoobiya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in sii-hayaha agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin uu dalka Itoobiya u tagay qorshe ka dhan ah Jubaland iyo Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu doonayo in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay facebook.

Wiilka Ku-simaha ka ah Taliska Nabadsugidda ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Wiilku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale.

Dowladda Itoobiy waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017-kii iyo tii Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com