DF oo Masjid ugu magac dartay ninkii wax ka laayey culimada Soomaaliyeed

Dafle ma in masaajid lagu maamuusaa, mise in maxkammadda caalamiga (ICC) la horgeeyaa?

Bishii 1aad, 23 keedii 1975 waxaa Xamar lagu toogtay 10 culimo oo ka dhiidhiyey mabaadi’da shuuciyadda oo la qorsheeyey in dalka xeer looga dhigo. Culimadaa waxaa soo qabtay heyadda NSS ta oo uu madax ka ahaa Axmed Saleebaan Dafle. Culimadaa qaarkood waxaa laga soo qabtay masaajidda Xamar ayagoo ama salaad ku jira ama tafsiir Quraan jeedinaya. Culimadaa la laayey waxey kala yihiin:

1. Cali Xasan Warsame
2. Cali Jaamac Xirsi
3. Aadan Cali Xirsi
4. Sheekh Axmed Iimaan
5. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed
6. Xasan Ciise Iley
7. Maxamed Siyad Xirsi
8. Sheekh Muuse Yusuf
9. Saleebaan Jaamac Maxamed
10. Yaasiin Cilmi Cawl

Goortii la toogtay culimadaa, waxaa meydkoodii lagu urushay gaari qashinka ka qaado magaalada. Waxaa lasoo dirqiyey iney daawadaan toogashadaa shacab badan oo degganaa Xamar. Sida foosha xun oo loo dilay haddana loo aasay culimadaa waa nabar aan bogsooneeyn oo ku yaal qalbiga dadka Somaliyeed oo 100% ah Muslimmiin.

Waxaa xannuunkaa soo nooleeyey magacaabidda Dafle lagu magacaabay masaajid laga dhisay Xamar, gaar ahaan xarunta Nabad-Sugidda. Waa sida kii kufsiga geystay oo guursaday tuu kufsaday. Waxaase layaab leh RW Kheyre oo ah qof og taariikhda dalka iyo dadka inuu ku dhiirado falkaan. Ujeeddadu maxey tahay? Bal adba.

Waa ayo Axmed Saleebaan Dafle?

Axmed waxuu ahaa asaasayaashii kooxdii afgambisay dawladdii dastuuriga aheeyd oo uu dalka lahaa. Kooxdaasi waxey ku tunteen dastuurkii ummadda Somaliyeed laheeyd. Kooxdaasi oo la baxday ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyad Barre waxey bilaabeen cabburis, xarig, dhac iyo dil. Waxey xireen dhammaan warbaahinta gaar ah ee uu dalku lahaa, sida wargeysyada. Waxey awoodda ka qaadeen garsoorka dalka oo madaxbannaanna. Waxey kaloo xireen dhammaan axsaabti siyaasadeed iyo hoggaamiyayaashoodi.

Hawlahaa xariga iyo jaajuuseeynta waxaa qaabilsanaa Axmed Saleebaan Dafle. Waxuu ka madax ahaa heyaddii la magac baxday NSS (National Security Service). Waa heyadda ku galisay bulshada Somaliyeed argagax, baqdin, naxdin, tuhun iyo kala shaki.

Heyaddu waxey ku leheyd dalka oo idil xabsiyo tiro badan oo qofkii lagu ridaa uu badbaado laheyn. Waxaa tababar siin jiray saraakiil ka socotay Jarmalka Bari oo wagaa shuuciyad aheyd. Qalabka dadka lagu ciqaabo sida korontada, middiyaha, ileys baaxad weyn, katiinadooyin iwm yaa waxaa deeq u bixin jiray Jarmalka Bari heyaddooda cabburiska iyo kadeedka bulshada oo la oran jiray STAZI. Maanta aannu joogno waxaa lasoo qufayaa xadgudubyadii STAZI u geysteen shacabka Jarmalka Bari.

Dafle waa gacan ku dhiigle. Waxuu ka mid yahay shakhsiyaadka geeystay xadgubyo foolxun oo tira badan. Dafle oo ka mid ah inta yar oo ka nool maanta ‘Golaha Sare ee Kacaanka’, waxey aheyd in la horkeeno maxkamad si looga jaasiyo dambiyaduu ka galay ummadda Somaliyeed. Maanta waxuu ku noolyahay dalka Belgium. Godobtuu ka galay dalka iyo dadka Somaliyeed waa in lasoo diiwaan geliyaa oo dacwad lagaga soo oogaa maxkamadda caalimaga ee adduunka (ICC – International Criminal Court).

Waddamada Bosnia, Rwanda, East Timor, Haiti, iyo Ciraq waxey maxkamadeeyeen dadkii la midka ahaa Dafle. Sidoo kale waa in loo hawlgalaa sidii Dafle abaalkiisa loo marin lahaa. Waa nasiib darro inuu maanta ku ceesho asagoo xor ah dalka Belgium, ama laga mid dhigo raggii iyo dumarkii usoo halgamay dalka oo lagu maamuuso magaciisa meel iskaba daa masaajid Alle.

Dawladda Federaalka madaxdoodana waa iney ka fiirsadaan tallaabo kastoo eey qaadayaan
oo la xiriirta dawladdii Siyaad Barre iyo kooxdiisi. Haddaan laga foojignaan waxey kala geyneysaa dadka Somaliyeed oo weli aan si buuxda uga bogsoon colaadddii dagaalki sokeeye oo uu u sabab ahaa dawladdii Siyaad Barre.

W/Q: Cusmaan Cumar Heelleey
cusmaancumar@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid