Ethiopia oo qarannimada Soomaaliya u geftay una kala qeybisay saddex dal

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale gef u weyn u gaystay qarannimada Soomaaliya una kala qeybisey saddex dal oo kala ah Somalia, Somaliland iyo Puntland.

Bogga wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa waxaa ku taxan dalalka ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha, waxaana yaab leh in Somaliland iyo Puntland loo muujiyey dal ahaan.

Waa dhacdaa in dal uu dhowr magaalo ku kala yeeshoo safiiro iyo qunsuliyado, hase yeeshee halkii ay ka ahayd in Hargeysa iyo Garoowe u dhigaan laba magaalo oo Soomaaliya ka tirsan oo ay qunsuliyado ku leeyihiin, waxay u dhigeen in Hargeysa tahay dalka Somaliland, halka Garowe tahay dalka Puntland.

In arrintan aysan ahayn qalad qoraal oo ay tahay ku talo-gal iyo waxa Itoobiya aaminsan tahay waxaa caddeynaya in dhammaan dalalka kale ee ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay magacaabeen kaliya hal dal iyo dhowr magaalo, sida China, India, Saudi Arabia, Turkey iyo dalal kale. Eeg sawirka hoose.

Soomaaliya waa dalka kale oo ay dhowr magaalo ku leeyihiin qunsuliyado balse ay saddex dal ku kala sheegeen.

Waxaa la sugayaa jawaabta ay arrintan ka bixiso dowladda Soomaaliya.
http://www.mfa.gov.et/home/Missions