CC Shakuur oo shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa inaan la buuxin kooramka BF

Muqdisho (Caasimada Online ) – Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa su’aal ka keenay sababta kooram loogu la’yahay kulamada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in baarlamaanku uu ku dhacay macno iyo miisaan beel.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay meesha ka baxday awoodii ay lahayaan ee isla xisaabtanka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ayaa inta badan baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaiya.

Halkan hoose ka Akhriso qoraalka:-

Maxaa kooramka Golaha Shacabka loo la’yahay?

Guddoonkii Golaha shacabka qayladii ayaa ka dhammaatay, siday u lahaayeen kooramkii ma buuxsamin. Haddii ay magacyada xildhibaannadii maqnaa yeeriyeen oo ay guddiga anshaxa u direen, oo ay gunno ayaan ka jaraynaa ugu hanjabeen , welina dheg jalaq looma siin. Baarlamaanka waa hay’adda ugu muhiimsan ee dalka, lafdhabarna u ah dhismaha nabadda & dawladnimada dalkeenna, haatanse waxay u muuqataa in macno iyo miisaan beel ku dhacay. Ma xildhibaannadaa masuuliyadda leh mise guddoonka?

Xildhibaannada haddii aad warsato waxey ku leeyihiin maxaa laga qabanayaa meesha mar haddii Golihii uusan ku howl-laneyn isla xisaabtan, hortebin uusan siinaynin hawlihii uddub dhexaadka u ahaa dhismaha nabadda qaranka Soomaaliya, ma shirbarayahow heesa ayaan halista qaraxa ugu soo bareernaa.

In badan oo xildhibaannada ka mid ah halkii ay kulammada Golaha Shacabka ka qayb geli lahaayeen, waxey aadaan xafiisyada madaxda laanta fulinta ( Madaxweynaha & Raysalwasaaraha) iyo taliyaha Nabadsugidda, si ay danahooda gaarka ah ama kuwo dad ay wakiilo ka yihiin kaga soo fushadaan .

Xildhibaan ayaa igu yiri “waxaan dib u jaleecaa dadaalkii waqti, hanti iyo galaangal ee kursiga xildhibaannimada iiga soo baxay iyo sida xaalku yahay, dadka waxaan dheernahay oo keli ah in aan haysanno kaarar aan jidadka xiran ku marno, xafiisyada xukuumadda ku galno iyo waa xildhibaan hebel nala yiraahdo”

Golaha Shacabku wuxuu macno iyo miisaan yeelanayaa markii loo arko in uu xukuumadda la xisaabtamayo ama uu ku mashquulsan yahay hawlaha hortebinta u leh dhismaha dawladnimada. Gudoonka masuuliyad weyn ayaa ka saaran in ay Golaha kaalintiisii u celiyaan oo ay laanta fulinta ka madax baneeyaan, haddii kale in dhaaxa ah waxay dhihi doonaan, kooram la’aan ayuu kulankii u baaqday.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com